Juventus oo saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Verona Allianz Stadium, Xilli Ronaldo uu shabaqa gaaray…+SAWIRRO

(Turin) 21 Sebt 2019. Juventus ayaa saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Verona garoonkeeda Allianz, kaddib markii ay ku garaacday 2-1, kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 20-aad kooxda martida aheyd ee Verona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 ka dhigay xiddiga Miguel Veloso.

Laakiin daqiiqadii 31-aad kooxda Juventus ayaa dheesha ka dhigay barbaro 1-1 ah, waxaana goolka u dhaliyay Aaron Ramsey, iyadoo uu goolkan ka caawiyay Cristiano Ronaldo.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha kooxda Juventus oo ku ciyaareysay garoonkeeda Allianz ayaa waxay garoonka ku soo gashay dardar xoogan, iyadoo sameeysay fursado cajiib ah ee goolal loo filan karay.

49-aad daqiiqo Juventus ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Cristiano Ronaldo oo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Ugu dambeynii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-1 ay Juventus ku xasuuqday kooxda Verona.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close