Barcelon oo guuldaro niyad-jab leh kala soo laabatay garoonka Los Carmenes ee kooxda Granada… +SAWIRRO

(Granada) 21 Sebt 2019. Kooxda Granada ayaa guuldaro niyad-jab ah ku baday Barcelona garoonkeeda Los Carmenes, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dlaka Spain.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Granada.

Daqiiqadii 2-aad ee bilawga ciyaarta kooxda Granada ayaa hogaanka u qabatay dheesha iyadoo uu 1-0 ka dhigay xiddigooda Ramon Azeez.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay sameeyeey qaab ciyaareed fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 66-aad kooxda Granada ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Alvaro Vadillo oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay guusha ku raacday kooxda martida loo ahaa ee Granada.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close