“Xiddiga aan kaga daydo kubadda cagta waa Cristiano Ronaldo” – Laacib ka tirsan kooxda Arsenal

(London) 20 Sebt 2019. Arsenal ayaa xalay guul ay u qalantay kaga gaartay kooxda Eintracht Frankfurt kulankooda ugu horeeyay ee tartanka UEFA Europa League.

Da’ayarka kooxda reer London ee Arsenal Bukayo Saka ayaa amaan ugu qubeeyay halyeeyga reer Portugal iyo kooxda Juventus Cristiano Ronaldo.

Bukayo Saka ayaa ku tilmaamay weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo inuu yahay xiddiga uu kaga daydo kubadda cagta.

Da’ayarka Bukayo Saka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ka sameeyay kulankii xalay ay guusha kaga gaareen Frankfurt 3-0, ciyaartooda ugu horeeysay GROUP F ee tartanka UEFA Europa League.

18 jirkan ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Image result for Bukayo Saka and Cristiano Ronaldo

“Xiddiga aan kaga daydo kubadda cagta waa Cristiano Ronaldo, waxaan jeclahay maskaxdiisa”.

“Wuxuu had iyo jeer doonayaa inuu noqdo kan ugu fiican, marwalbana si adag ayuu ugu shaqeeyaa garoonka dhexdiisa iyo banaankiisa, wuxuuna isku dayaa inuu jirkiisa ka dhigo kan ugu fiican”.

“Marka uu soo galo garoonka, wuxuu ku ciyaaraa kalsooni iyo shaqsiyad buuxda, wuxuuna muujiyaa sababta uu u yahay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd abid ee ciyaartay kubadda cagta”.

“Ma dhihi karo waxaan heystaa dabeecadihiisa, madaama aan nahay labo ciyaaryahan ee kala duwan, isagu waa mid cajiib ah, laakiin waxaan isku dayaa inaan daawado isla markaana aan ka qaato waxyaabaha fiican, sida qaab ciyaareedkiisa iyo maskaxdiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close