Unai Emery oo si weyn ugu amaanay labo ka mid ah xiddigahiisa guushii ay xalay ka gaareen Frankfurt

(London) 20 Sebt 2019. Macalinka reer Spain ee Unai Emery ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaab ciyaareedkii ay kooxdiisa Arsenal kala hortagtay naadiga Eintracht Frankfurt kulankii xalay.

Arsenal ayaa guul ay u qalantay ka soo gaartay Eintracht Frankfurt kulankeeda ugu horeeyay GROUP F ee tartanka UEFA Europa League, kaddib markii ay kaga adkaatay 0-3.

Unai Emery ayaa si gaar ah ugu amaanay labada xiddig ee Bukayo Saka iyo Joseph Willock qaab ciyaareedkii fiicnaa ay ka sameeyeen kulankii xalay ee Eintracht Frankfurt.

Macalinka kooxda Arsenal ayaa la wadaagay warbaahinta:

“Malaha goolka uu dhaliyay Bukayo Saka iyo qaab ciyaareedkii uu sameeyay waxaa laga yaabaa inuu helo kalsooni dheeraad ah, wuxuu leeyahay dhameystir qurux badan ee xoogan”.

Bukayo Saka and Joe Willock stole the show against Frankfurt (Picture: Getty)

“Joseph Willock wuxuu ciyaarta ku bilaabay si tartiib tartiib ah, laakiin kadib si aad ah ayuu u soo fiicnaaday”.

“Waan ogeyn inay aheyd ciyaar adag maxaa yeelay Frankfurt waa kooxda xoogan oo qaab weerar ku ciyaarta garoonkeeda”.

“Waxaan heysanay fursad aan siin karnay ciyaartoyda da’ayarta, si aan kaga caawino inay helaan khibrad dheeraad ah, iyaguna kulankan aad bay u fiicnaayeen”.

Yeelkadeeda, Arsenal ayaa Axada ku martigelin doonta kooxda Aston Villa horyaalka Premier League, waxaana la rajeenayaa inay dib ugu soo laaban doonaan xiddigaha Nicolas Pépé, Sokratis iyo Mattéo Guendouzi.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close