“Frenkie de Jong wuxuu taariikh weyn ka sameyn doonaa Barcelona” – Xavi Hernandez

(Barcelona) 20 Sebt 2019. Halyeeyga kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa sheegay in Frenkie de Jong uu leeyahay awooda iyo xirfada uu bog qurux badan kaga furi karo taariikhda kooxda reer Catalonia.

Dhinaca kale Xavi Hernandez ayaa tilmaamay in waxa ugu muhiimsan xilli ciyaareedkan ee kooxda Barcelona ay tahay ku guuleysiga tartanka Champions League.

Xavi ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca”  ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

“Wax walba ee ku saabsan Frenkie de Jong waan jeclahay, wiilkani wuxuu taariikh weyn ka sameyn doonaa kooxda Barcelona”.

“Kulankii Valencia wuxuu khadka dhexe ka sameeyay bandhig aan caadi aheyn, kooxda oo dhan waxay u muuqdeen kuwa wanaagsan”.

“Qaabka uu kubadda u qabanayo De Jong, baaskiisa iyo shaqada uu ka qabanayo kooxda, waa wax aad u fiican, wuxuuna sameyn doonaa waqti fiican ee kooxda reer Catalonia ah”.

“Sidoo kale ha ilaabin Arthur Melo iyo Ivan Rakitić, Barcelona waxay heysataa qad dhexe cajiib ah ee lagu xakameyn karo kulamada ay ciyaareyso”.

“Waan daawaday kulankii Borussia Dortmund, inkastoo uu waqtiga dhacay, ma ahayn ciyaar fiican”.

“Aniga ahaan, Barcelona ayaa weli ah kooxda ugu cad-cad inay ee ku guuleysan karta Champions League sababtoo ah waxay heysataa ciyaartooy”.

“Balse xaqiiqdii Barcelona ma ahan musharrax kaliya, laakiin waa mid ka mid ah kuwa ugu cad-cad ee ku guuleysan kara tartankan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close