Scholes oo ka warbixiyay hal arrin ay qalad ku sameysay Man United, kahor inta uusan bilaabanin xilli ciyaareedkan

(Manchester) 19 Sebt 2019. Halyeeyga kubadda cagta dalka England ee Paul Scholes ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ee Manchester United ay sameysay qalad ah inaysan la saxiixan wax weeraryahan ah inta lagu guda jiray suuqii kala iibsiga ee xagaaga, kaddib bixitaanka Romelu Lukaku.

Lukaku ayaa ka soo dhaqaaqay garoonka Old Trafford, wuxuuna ugu biiray kooxda Inter Milan aduun dhan £ 72 milyan bishii la soo dhaafay.

Laakiin taasi badalkeeda kooxda Red Devils ayaa waxay ku bilaabatay xilli ciyaareedkeeda cusub, iyadoon heysanin dooqyo kala duwan ee dhanka weerarka ah.

Weeraryahanada Mario Mandzukic iyo Paulo Dybala ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqayaan safka Man United dhamaadka suuqii kala iibsiga ee xagaaga, laakiin midkoodna ma uusan ku biirin.

Taasi waxay la micno tahay in dhammaan xulashooyinka tababare Ole Gunnar Solskjær ay udub dhexaad u noqon doonaan xiddigaha Marcus Rashford iyo Anthony Martial, taasoo uu Scholes u arko inay tahay arrin dhib badan.

Halyeeyga kubadda cagta dalka England ee Paul Scholes ayaa u sheegay “talkSPORT”:

“Waxaa jirta hal arrin aan ku qancin, taasoo ah in Ole Gunnar Solskjær uu ogaa in Lukaku la iibin doono, marka uu xilli ciyaareedka bilaabanayo, isla markkaana uusan heysanin doonin weeraryahan toos ee dhab ah, taasi waxay ila tahay wax qaldan aniga ahaan”.

“Ma bilaabi kartid xilli ciyaareed, adigoon heysanin weeraryahan dhexe, marka aad tahay koox caan ku ah  qaab weerar waa inaad booskaas u heysataa afar ciyaaryahan”.

“Taas badalkeeda waxaa haatan heysataa kaliya Rashford iyo Anthony Martial, kuwaasoo aanan la hubin inay yihiin weeraryahano toos ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close