“Real Madrid waxay heshay wixii ay u qalantay” – Thiago Silva

(Paris) 19 Sebt 2019. Daafaca kooxda Paris St Germain iyo xulka qaranka Brazil ee Thiago Silva ayaa sheegay in Real Madrid ay heshay wixii ay u qalantay, kaddib guushii weyneyd ay xalay kaga gaareen garoonka Parc des Princes.

Paris Saint-Germain ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay Real Madrid kulankeeda ugu horeeyay GROUP A ee tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0.

Thiago Silva ayaa kaddib ciyaarta u sheegay saxaafada:

“Real Madrid waxay heshay wixii ay u qalmeen, waxaan gaarnay guul aan u qalanay ee ah 3-0, guushan aan gaarnay ma jirto cid ay fariin u tahay”.

“Ciyaarta si wanaagsan ayaan u xakameynay, diyaar ayaan u aheyn kulankan, kaddib diyaar garoow fiican ee aan sameynay, taasoo aheyd wixii aan sameyn laheyn”.

“Waa inaan u ciyaarnaa dhamaan kulamada sida aan maanta u ciyaarnay, waa inaan ku ciyaarnaa shaqsiyad xoogan, waana inaan u hambalyeeyaa qof walba, gaar ahaan shaqaalaha tababarka, kuwaasoo si wanaagsan ciyaarta u diyaariyey”.

Intaas kaddib Thiago Silva oo ka hadlayay maqnaanshiyaha xiddigaha Neymar Jr, Kilian Mbappe iyo Cavani ayaa wuxuu yiri:

“Iyagu waa ciyaartoy aad muhiim noogu ah anaga, laakiin waxaan heysanaa koox aad u xoogan oo ciyaartooy ah, nasiib-darro waxaan la kulanay laba dhaawac iyo ganaax dhanka maamulka ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close