RASMI: UEFA oo ku dhawaaqday liiska musharaxiinta abaalmarinta xidigii ugu fiicnaa kulamadii furitaanka Champions League ee toddobaadkan

(Yurub) 19 Sebt 2019. Waxaa xalay lasoo gabagabeeyay kulamadii furitaanka lugta koowaad wareega group-yada ee tartanka xiisaha badan Champions League xilli ciyaareedkan 2019/2020.

Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay soo daawanay 16 kulan aad u xiiso badan ee ah furitaanka heerka grou-yada tartanka Champions League.

Waxaa kulamadii furitaanka lagu arkay ciyaartoy dhoowr ah oo bandhig fiican ka sameeyay kooxahooda.

Haddaba xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa wuxuu ku dhawaaqay magacyada 4 ciyaaryahan ee u sharaxan abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican kulamadii furitaanka toddogaabkan ee tartanka Champions League.

Ángel Di María ayaa ku jira liiska musharixiinta, kaddib markii uu 2 gool ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Real Madrid, isagoo noqday ciyaaryahankii labaad taariikhda Champions League ee 2 gool kaga dhaliya Los Blancos taariikhda tartanka Champions League, si la mid ah Barcelona, kaddib Mario Gardel.

Di María ayaa abaal marintan kula tartami doona xiddigaha kala ah, goolhaayaha Barcelona ee Ter Stegen, si la mid ah weeraryahanka kooxda Salzburg ee Erling Braut Haaland, iyo weeraryahanka naadiga Dinamo Zagreb ee Mislav Oršić.

Hadaba afarta ciyaaryahan ee u sharaxan ku guuleysiga abaal marinta xidigii ugu fiicnaa kulamadii furitaanka ee toddobaadkan laga ciyaaray tartanka Champions League ayaa kala ah:

1- Ángel Di María.

2- Ter Stegen.

3- Erling Braut Haaland.

4- Mislav Oršić.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close