Manchester United oo guul dirqi ah kaga gaartay kooxda FC Astana garoonkeeda Old Trafford… +SAWIRRO

(Manchester) 19 Sebt 2019. Manchester United ayaa guul ay u qalantay oo dirqi ah kaga soo gaartay kooxda FC Astana kulankeeda ugu horeeyay GROUP L ee tartanka UEFA Europa League, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala maray 0-0 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha, kooxda Man United ayaa waxay garoonka ku soo gashay dardar xoogan, waxayna sameeysay fursado cajiib ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 73-aad Mason Greenwood ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Manchester United wuxuun ciyaarta ka dhigay 1-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda Manchester United oo ku ciyaareysay garoonkeeda Old Trafford.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close