Kooxda Chelsea oo heshiis cusub ku abaal-marinaysa Weeraryahanka u soo baxay ee Tammy Abraham

(London) 19 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay ka shaqeynayso sidii ay heshiis cusub uga saxiixan lahayd Weeraryahanka u soo baxay ee Tammy Abraham.

The Blues ayaa doonaysa inay ballaariso heshiiska Tammy Abraham oo ay gaarsiiso illaa sanadka 2024-ka, sida uu warinayo Suxufiga la yiraahdo Fabrizio Romano.

Abraham ayaa wacdaro ka dhigaya kooxda Chelsea iyo horyaalka Premier League kal ciyaareedkan isagoo fikta sare kaga jira xiddigaha goolasha badan ka dhaliyey horyaalka Ingiriiska illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan, inkastoo uu cunsurinnimo la kulmay.

Dhinaca kale daafaca da’da yar ee Fiyako Tomori, kaasoo goolkiisii ugu horreeyey ee Blues dhaliyey kulankii todobaadkan ee ay ka adkaadeen Wolves ayaa sidoo kale wadahadallo kula jira naadiga.

Waxa ay u muuqataa in labada ciyaaryahan ay ogolaadeen wadahadallada, balse waxa ay ka doodayaan haatan mushaarka ay Kooxda ka qaadan doonaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close