Keylor Navas oo daaha ka qaaday dareenkiisa layaabka leh, kaddib kulankiisii ugu horeeyay uu ka hor yimid saaxiibadiis hore ee Real Madrid

(Paris) 19 Sebt 2019. Goolhaayaha reer Costa Rica ee Keylor Navas ayaa kasoo hor muuqday saxaafada kaddib guushii weyneyd uu xalay la gaaray kooxdiisa cusub ee Paris Saint-Germain.

Paris Saint-Germain ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay Real Madrid kulankeeda ugu horeeyay GROUP A ee tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0.

Keylor Navas ayaa wuxuu si xoogan u difaacay shabaqa goolka kooxda Paris Saint-Germain kulankiisii ​​ugu horeeyay uu ku ciyaaray maaliyada PSG.

Navas ayaa ciyaarta kaddib wuxuu ka hadlay kulanka uu kaga hor yimid saaxiibadiis hore ee Real Madrid wuxuuna yiri:

“Gudaha tuunnelka ka hor intaanan gelin garoonka halkaas ayaan ku arkay iyaga, wuxuu ahaa dareen layaab leh, tani waxay aheyd khibrado ay muhiim aheyd inaan ku dhaqaaqno, waana ka mahadcelinayaa”.

“Waxbadan oo ka mid ah saaxibtinimada way sii socon doontaa, laakiin garoonka dhexdiisa ciyaaryahan walba wuxuu difaacaa midabka maaliyada kooxdiisa”.

“Waan faraxsanahay, sababtoo ah waxaan ciyaarnay kulan aad u fiican, waxaan sameynay dadaal badan waxaana sameynay wax kasta oo aan ku soo qaadanay tababarka toddobaadkan oo dhan”.

“Waxaan ciyaarnay kulan aad u fiican oo si fiican ayaan u difaacnay” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay goolhaayaha reer Costa Rica ee Keylor Navas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close