HORUDHAC: Wax waliba oo aad uga baahan tahay kulanka Europa League ee ay Man United qaabilayso Kooxda Astana

(Manchester) 19 Sebt 2019. Kooxaha Manchester United iyo Astana ayaa caawa wada ciyaaraya kulankooda ugu horreeya ee heerka Guruubyada Europa League.

Labada kooxood ee Manchester United iyo Astana ayaa caawa ku kulmaya kulankooda furitaanka Group L ee tartanka Europa League garoonka Old Trafford, koox waliba ayaana eegeysa inay guul ku furato tartankan.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Europa League

Taariikhda: Khamiis, 19 Sept 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Francois Letexier (France)

Garoonka: Old Trafford

Wararka Kooxaha:-

Daniel James ayaa seegi doona kulanka kooxdiisa Manchester United ay wajahayso Astana ee furitaanka Europa League si la mid ah Paul Pogba, Luke Shaw iyo Anthony Martial.

Xiddigan garabka ka ciyaara ee James ayaa jug ay soo gaartay kulanii ay Sabtidii guusha ka gaareen Leicester City waxaana uu seegay tababarkii ugu dambeeyey oo ay kooxdu sameysay Arbacadii, halka Pogba oo canqowga ka dhaawac iyo Shaw oo muruqa ka sheeganaya ay si gaar ah u shaqeynayaan.

Martial oo bowdada ka dhaawac Eric Bailly oo jilibka ka dhaawacan ayaa sidoo kale dhaawacyo la maqnaan doonal, laakiin Jesse Lingard oo xanuunsanaa iyo Diogo Dalot oo misigta dhaawac yar ka qabay ayaa tababarka ku soo laabtay laakiin waxay u badan tahay in la nasin doono kulankan.

Solskjaer ayaa xaqiijiyey in Mason Greenwood, Fred iyo Axel Tuanzebe ay ku soo bilaaban doonaan kulankan, halka uu goolhaye Sergio Romero shabaqa dib ugu soo laaban doono.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Kani kulankii ugu horreeyey ebid ee tartan rasmi ah oo dhexmara koox Ingiriis ah iyo koox ka socota Kazakhstan.

>- Manchester United ayaa guuldarro la’aa nah (unbeaten) 11-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaartay tartanka Europa League waxaana ay haystaa 8 guul iyo 3 barbaro, waxaana ay markii ugu dambeysay koobkan ku guuleysteen kal ciyaareedkii 2016-17.

>- Xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey Europa League, FC Astana ayaa noqotay kooxdii saddexaad ee la timaada siddeed dhibcood siddeedii kulan ee furitaanka guruubka, laakiin waxa ay ku guuldarreysteen inay u soo baxaan wareegga 16-ka.

>- Manchester United ayaa guuldarro la kulantay labadii kulan ee ugu dambeeyey oo ay garoonkeeda ku ciyaartay tartammada Yurub, marnaba ma dhicin inay khasaaro kula kulanto saddex kulan oo xiriir ah garoonkeeda Old Trafford hadda ka hor.

>- Kaddib markii ay guuldarreysteen lix ka mid ah todobadeedii kulan ee ugu horreysay oo meel ka baxsan garoonkooda ku ciyaareen tartammada Yurub, mid kalena ay barbaro galeen, kooxda Astana ayaa laga badiyay kaliya mid ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay wadada ku jirtay, waxaana ay la kulmeen labo guul iyo saddex barbaro.

Shaxda Macquulka ah ee ay kooxda Manchester United ku soo geli karto kulanka caawa ee Astana:-

Man Utd: Romero; Dalot, Jones, Tuanzebe, Rojo; Garner, Fred; Lingard, Gomes, Chong; Greenwood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close