“VAR wuxuu Napoli siiyay haddiyad qaali ee dhankeena ah” – Klopp oo ka hadlay guuldaradii ka soo gaartay Napoli

(Yurub) 18 Sebt 2019.Tababaraha reer Germany ee Jurgen Klopp ayaa muujiyay sida uu ugu xun yahay guuldaradii xalay ka soo gaartay Napoli, kulankii Champions League.

Klopp ayaa dhinca kale muujiyay siduu kaga xumaaday rigooradii ay heshay Napoli daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta, taasoo si weyn kaga caawisay guushii ay xalay ka gaareen kooxdiisa Liverpool.

Kooxda Napoli ayaa guul weyn kaga gaartay Liverpool garoonkeeda San Paolo, kulankii ay kaga daah furteen tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay ku garaaceen 2-0.

Haddaba tababare Jurgen Klopp ayaa ciyaarta kaddib wuxuu la wadaagay saxaafada:

“Ciyaarta waxa ay aheyd mid loo siman yahay, isla markaana furan, waxaan helnay dhowr fursadood, laakiin si fiican uma dhameystirin, taas ayeey aheyd dhibaatadeena”.

“Uma maleynayo in rigoorada ay aheyd mid sax ah, laakiin maxaan dhihi karaa?”.

“Waa inaan aqbalnaa natiijada ciyaarta, waxaan ciyaarnay kubad wanaagsan, waxaanan xakameenay  garoonka daqiiqado, laakiin mararka qaar waxaan gaarnay go’aamo qaldan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close