Paris Saint-Germain oo cashir u dhigtay Real Madrid, xilli Di Maria uu kulankan wacdaro ka dhigay… _ SAWIRRO

(Paris) 18 Sebt 2019. Paris Saint-Germain ayaa guul ay u qalantay kaga gaartay Real Madrid kulankeeda ugu horeeyay GROUP A ee tartanka Champions League, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee PSG.

Daqiiqadii 14-aad Angel Di Maria ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Paris Saint-Germain wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Juan Bernat.

Markale Angel Di Maria ayaa gaaray shabaqa kooxda Real Madrid daqiiqadii 33-aad, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-0, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Idrissa Gana Gueye.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay garoonka ku soo galeen dardar xoogan, iyagoo sameeyay fursado cajiib ah ee goolal loo filan karay.

Thomas Meunier oo caawin ka helay saaxiibkiis Juan Bernat ayaa daqiiqadii 90-aad si toos ah u niyadjabiyay kooxda Real Madrid wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-0 ay ku adkaatay kooxda martida loo ahaa ee Paris Saint-Germain.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close