Kooxaha Atletico Madrid iyo Juventus oo dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Wanda Metropolitano … + SAWIRRO:

(Madrid) 18 Sebt 2019. Kooxaha Atletico Madrid iyo Juventus ayaa dhibcaha ku kala qeybsaday garoonka Wanda Metropolitano kulankeeda ugu horeeyay GROUP D ee tartanka Champions League, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-0 ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Atletico Madrid iyo Juventus.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay garoonka ku soo galeen dardar xoogan, iyagoo sameeyay fursado cajiib ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 48-aad kooxda martida aheyd ee Juventus ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 0-1 ka dhigay Juan Cuadrado, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis reer Argantina ee Gonzalo Higuain.

Blaise Matuidi ayaa daqiiqadii 65-aad ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hogaamineyso Juvenus, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Alex Sandro.

Laakiin daqiiqadii 70-aad Atletico Madrid ayaa la timid gool, waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay Stefan Savic oo caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Jose Gimenez.

Daqiiqadii 90-aad Hector Herrera ayaa ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah, waxaana  goolkan caawiyay Kieran Trippier

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 2-2 ah ay isku dhaafi waayeen labada kooxood Atletico Madrid iyo Juventus.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close