HORDHAC: Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka adag kooxaha PSG iyo Real Madrid ee tartanka Champions League

(Paris) 18 Sebt 2019. Indhaha mucaashiqiinta kubadda cagta ee caalamka ayaa waxay caawa ku sii jeedaan garoonka Parc des Princes, iyadoo ay ku balansan yihiin labada kooxood ee Paris St Germain iyo Real Madrid, kulankooda koowaad ee tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Real Madrid ayaa raadineysa inay guul kaga soo gaarto kooxda Paris St Germain garoonka Parc des Princes, kulankeeda ugu horeeya ee tartanka Champions League xilli ciyaareedkan 2019/2020.

Halka kooxda reer France ee PSG ay dooneyso in kulankan ay kaga daah furato guul isla markaana aay ka faa’ideysto maadaama ay ku dhex ciyaarayaan dhulkooda iyo taageerayaashooda.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Champions League

Kooxaha: Paris Saint-Germain vs Real Madrid

Taariikhda: Arbaco, 18 Sept 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Parc des Princes (France).

Wararka Kooxaha:-

Real Madrid:

Zidane ayaa wajahaya dhibaato ah dhaawacyo kal duwan, kahor kulanka caawa, iyadoo ay ka maqnaan doonaan 7 ciyaaryahan ee ka tirsan kooxda koowaad.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos iyo Nacho ayaa ganaax ku seegi doono kulanka caawa, lagu daray Luka Modrić, Marcelo iyo Federico Valverde, kuwaasoo dhamaantood ku maqan dhaawacyo kala duwan.

Sidoo kale kulanka waxaa ka maqan kulanka caawa ee la wada sugayo, ciyaartoy dhaawacyo ku maqaa kahor kulamadii caalamiga ahaa, kuwaasoo laga xusi karo Francisco Isco, Mariano Diaz, Marco Asensio iyo Brahim Díaz.

Paris Saint-Germain:

Xiddigaha Kylian Mbappe iyo Edinson Cavani ayaa labaduba dhaawac ku seegaya kulanka caawa, halka Neymar Jr uu ganaax ku maqan yahay

sidaasi darteed Mauro Icardi ayaa laga yaabaa in kulankiisa ​​ugu horeeya uu u safto naadiga PSG, kaddib markii uu qaab amaah ah kaga soo dhaqaaqay Inter Milan.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

* Kani waa kulankii 9-aad ee ku dhexmara kooxaha Paris Saint-Germain iyo Real Madrid dhamaan tartamada Yurub, halka labada kooxood ay ku wada ciyaareen afartii kulan ugu dambeysay tartanka Champions League, waana xilli ciyaareedyadii 2015-2016 iyo 2017-2018.

* Paris Saint-Germain ma aysan guuleysan 5-tii kulan ugu dambeysay oo ay kaga hortimid kooxda Real Madrid tartamada Yurub, isla markaana ay ku jiraan afartii kulan ee ugu dambeysay ay ku wada ciyaareen Champions League.

* Real Madrid ayaa laga badiyay seddex kulan ee tartanka Champions League-ga ah xilli ciyaareedkii hore, waana tan ugu xun marka loo eego natiijooyinkeeda tan iyo xilli ciyaareedkii 2012/13, markaasoo ay sidoo kale la kulantay 3 guuldaro ah, dhinaca kale labo jeer ayaa looga badiyay heerka group-yada, waana makii ugu xumeyd tan iyo xilli ciyaareedkii 2008-2009 (2) .

* PSG ma aysan la kulmin wax guuldaro ah 21 kulan oo Champions League ah marka ay garoonkooda ku ciyaarayaan, waxay guul gaareen 15 kulan iyo 6 barbaro ah, guuldaradii ugu dambeysay ee marxaladan waxay ka soo gaartay CSKA Moscow bishii Diseembar 2004-tii xilligaas oo loogu awood sheegtay (1-3).

* Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa si toos ah ugu lug yeeshay dhalinta 9 gool, 10-kii kulan ugu dambeeyay uu kaga soo muuqday tartanka Champions League kooxda Real Madrid, wuxuu dhaliyay 7 gool, wuxuuna caawiyay 2 gool kale.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

PSG XI: Navas; Marquinhos, Thiago Silva, Kimpembe, Bernat; Gueye, Verratti, Herrera; Di Maria, Icardi, Sarabia.

Real Madrid XI: Courtois; Carvajal, Varane, Eder Militao, Mendy; Kroos, Casemiro, James; Bale, Benzema, Hazard.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close