Arsenal oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha ay u la safreyso Jarmalka ka hor kulankeeda habeen dambe ee Europa League xilli Mesut Ozil laga tagay

(London) 18 Sebt 2019. Waxaa la shaaciyey liiska 19-ka ciyaaryahan ee kooxda kubadda cagta Arsenal ay u la safeyso dalka Jarmalka ka hor kulankeeda habeen dambe, halkaasoo ay naadiga Eintracht Frankfurt kula soo ciyaareyso kulankeeda furitaanka heerka guruubyada Europa League.

Gunners ayaa liiska ay magacawday waxaa ka maqan oo aan lagu darin laacibkeeda khadka dhexe ee Mesut Ozil iyo daafaceeda Sokratis, waxaana weli la shaacinin sababta ay u seegayaan kulanka habeen danbe ee Europa League.

Yeelkeede, Jamaahiirta kooxda Arsenal ayaa helaya war farxad leh waxaana dib ugu soo laabtay oo liiskan ka soo muuqday daafacooda dhexe ee Rob Holding, kaasoo muddo dhaawac la maqnaa.

Weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette ayaa dhaawac ku seegaya kulanka habeen dambe ka dhacaya Jarmalka, balse waxaa weerarka Arsenal hoggaamin doonaa kulankaas Pierre-Emerick Aubameyang iyo Nicolas Pepe.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska 19-ka xiddig ee ay Arsenal ula safreyso dalka Jarmalka:-

Bernd Leno, Emiliano Martinez, Maitland-Niles, Calum Chambers, Skhodran Mustafi, Rob Holding, David Luiz, Saed Kolasinac, Guendouzi, Torreira, Willock, Granit Xhaka, Dani Ceballos, Smith Rowe, Martinelli, Nelson, Nicolas Pepe, Bukayo Saka, Pierre-Emerick Aubameyang.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close