Shaxda rasmiga ah kulanka Champions League ee Kooxaha Napoli iyo Liverpool oo la shaaciyey

(Naples) 17 Sebt 2019. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Napoli iyo Liverpool kulanka heerka guruubyada Champions League.

Kooxda reer Talyaani ayaa soo dhoweynaysa tan reer England ee Liverpool, iyadoo macallin Klopp uu la soo shirtagay shax adag.

Reds waxaa safka hore ugu soo bilowday weerarkooda saddex aflaha ah ee Salah, Mané iyo Firmino.

Halka kooxda martida loo yahay ee Napoli ay hoggaaminayaan Insigne; Mertens iyo Lozano.

Haddaba safafka ay labada kooxood ku soo galeen halkaan hoose ka eeg:-

Safka hore ee Napoli: Meret; Di Lorenzo, Manolas, Koulibaly, Mario Rui; Callejón, Allan, Fabián Ruiz, Insigne; Mertens, Lozano.

Safka hore ee Liverpool: Adrián; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Fabinho, Henderson, Milner; Salah, Mané, Firmino.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close