Shaxda rasmiga ah ee kulanka Borussia Dortmund iyo Barcelona oo la shaaciyey… (Fati oo taariikh sameeyey & Messi oo…)

(Dortmund) 17 Sebt 2019. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Borussia Dortmund iyo Barcelona ee heerka guruubyada Champions League.

Kooxda reer Jarmal ayaa soo dhoweynaysa Barcelona, iyadoo Fati uu taariikh sameeyey kaddib markii uu ku soo bilowday safka hore ee kulankan.

Ansu Fati ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee u safta kooxda Barcelona taariikhda Champions League, waxaana uu caawa u safanayaa isagoo jira 16-sano iyo 321 maalmood.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi oo dhaawac ka soo laabtay ayaa ku jira kursiga keydka kulankan.

Haddaba safafka ay labada kooxood ku soo galeen halkaan hoose ka eeg:-

Safka hore ee Dortmund: Burki; Achraf, Akanji, Hummels, Guerreiro; Witsel, Delaney; Sancho, Reus, T.Hazard; Paco Alcácer.

Safka hore ee Barcelona: Ter Stegen; Nélson Semedo, Piqué, Lenglet, Jordi Alba; Arthur, Busquets, De Jong; Fati, Suárez, Griezmann.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close