Safafka rasmiga ah ee ay garoonka ku soo galayaan kulanka caawa Champions League ee Kooxaha Chelsea iyo Valencia oo lagu dhawaaqay

(Lodnon) 17 Sebt 2019. Waxaa la shaaciyey safafka rasmiga ah oo ay garoonka ku soo geli doonaan kooxaha Chelsea iyo Valencia kulanka heerka guruubyada Champions League caawa.

Kooxda martida loo yahay ee reer London ayaa safkeeda hore ee weerarka ku soo bilowday xiddigaha reer England ee goolasha ugu badan kooxda u dhaliyey xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda ee Mount iyo Abraham oo lagu daray wiilka reer Brazil ee Willian.

Kooxda reer Spain ayaa dhankeeda ku soo bilowday Parejo, Rodrigo iyo Gameiro, waxaana ay doonayaan inay dhibcaha ka soo qaataan galbeedka Magaalada London.

Haddaba safafka ay labada kooxood ku soo galeen halkaan hoose ka eeg:-

Safka hore ee Chelsea: Kepa; Tomori, Zouma, Christensen; Azpilicueta, Kovacic, Jorginho, Alonso; Mount, Abraham, Willian.

Safka hore ee Valencia: Cillessen; Wass, Garay, Paulista, Gayà; Coquelin, Kondogbia, Parejo, Cheryshev; Rodrigo, Gameiro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close