RASMI: UEFA oo ka qafiifisay Neymar Jr ganaaxii ka saarnaa tartanka Champions League

(Yurub) 17 Sebt 2019. Xiriirka kubada cagta qaarada Yurub ee UEFA ayaa ganaaxa ka qafiifisay ciyaaryahanka caalamiga ah ee qaranka Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar Jr.

Neymar ayaa la kulmay ganaax saddex kulan ah kaddib markii uu afgalaado Baraha bulshada ugu geystay gorsoorihii dhex dhexaadinyay kulankii lugta labaad ee wareegta 16-ka tartanka Champions League ku dhex maray kooxaha PSG iyo Man United xilli ciyaaredkii hore.

Neymar Jr ayaa boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuu ku soo qoray:

“Runtii ma jirin wax rigoore ah, taasi waa ceeb, waxay soo dhigeen afar qof oo aan waxba ka aqoon kubadda cagta, waxayna sidoo kale mas’uul ka ahaayeen fiirinta farsamada fiidiyowga ee VAR”.

Inkastoo kulanka habeen danbe uu seegi doona ee Real Madrid, hadana PSG ayaa adeega ciyaaryahankan heli doonta Kulanka Club Brugge ee dhici doona 22 bisha soo adan ee October.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close