Muxuu ka yiri Henderson kulanka caawa ay kula ciyaari doonaan Napoli tartanka Champions League??

(Napoli) 17 Sebt 2019. Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa muujiyey aragtidiisa ah in kooxdu aysan qaadi karin culeys dheeraad ah, maadaama ay tahay kooxda heysata koobka Champions League.

Kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield ayaa waxay ku bilaabatay bilaw aad u wanaagsan xilli ciyaareedkan cusub, waxayna kaga hogaaminayaan 5 dhibcood nadiif ah naadiga kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City.

Kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson oo shir jaraa’id kala soo muuqday tababare Klopp ayaa sheegay:

“Waxaan dareemayaa inkastoo aad joogto Liverpool, haddana qof walba wuxuu doonayaa inuu ku garaaco si kastaba ha noqotee”.

“Si la mid anaga ahaan, waxaan dooneynaa inaan ka adkaano koox walba oo naga hor timaada, iyagana waxay doonayaan inay na garaacaan”.

“Anaga ahaana si la mid ah waqti kasta, waa inaan wax walba ku soo bandhigno kulan kasta oo aan ciyaareyno, waana ognahay in kulanka Napoli uu noqon doono mid aad u adag”.

“Napoli waa koox weyn, laakiin waa inaan diirada saarno waxa aan sameyn karno, haddii aan u ciyaarno heerka aan aqaanno, waxaan fursad fiican u heli doonnaa inaan kulankan guuleysano”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close