Kooxo waaweyn ee qaarada Yurub oo u gacan haatinaya Nemanja Matić

(Yurub) 17 Sebt 2019. Maalmaha Nemanja Matić xiddigaha khadka dhexe kooxda Manchester United ee garoonka Old Trafford ayaa u muuqda kuwo fara ku tiris ah, kaddib markii uu ka baxay qorshaha tabbare Ole Gunnar Solskjær.

Nemanja Matić ayaa booskiisa khadka dhexe ee kooxda Manchester United u waayay xiddiga da’ada yar ee Scott McTominay, laakiin wuxuu ciyaaray kulankii lasoo dhaafay ee Leicester City, maadaama uu maqnaa Paul Pogba.

Sida laga soo xigtay bogga “CalcioMercato” adeega Nemanja Matić ayaa waxaa wada xiiseenaya dhamaan kooxaha kala ah Inter, Juventus, Milan, iyo Borussia Dortmund, waxayna doonayaan inay gacanta ku dhigaan saxiixiisa xilli ciyaareedka soo socda si ay ugu xoojiyaan safkooda.

Si kastaba ha noqotee, Matić ayaa ku biiray Manchester United xagaagii 2017, kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay kooxda ree London ee Chelsea, laakiin wuxuu ku fashilmay in wax koob ah uu kula guuleysto Red Devils.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close