Kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo guuldaro kaga daah furtay tartanka Champions League… + SAWIRRO

(Yurub) 18 Sebt 2019. Kooxda Napoli ayaa guul weyn kaga gaartay Liverpool garoonkeeda San Paolo, kulankii ay kaga daah furteen tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, kaddib markii ay kaga adkaadeen 2-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay garoonka ku soo galeen dardar xoogan, iyagoo sameeyay fursado cajiib ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 82-aad kooxda Napoli ayaa heshay rigoore waxaana gool u badalay Dries Mertens oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Daqiiqadii 90-aad Fernando Llorente ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Napoli wuxuuna dheesha ka dhigay 2-0

Ugu dambeytii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay guusha ku raacday kooxda reer Talyaani ee martida loo ahaa ee Napoli, waxayna saddexdooda dhibcood ugu horeysay ee tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan kaga qaateen Liverpool.

Dhinaca kale kooxda Chelsea ayaa guuldaro kala soo laabatay kulankii ay booqdeen kooxda Valencia, kaddib markii loogu soo awood sheegtay 1-0.

Daqiiqadii 74-aad Rodrigo ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Valencia, wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Daniel Parejo, ugu dambeyna ciyaarta ayaa sidaas ku soo idlaatay.

SAWIRRO

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close