Kooxaha Borussia Dortmund iyo Barcelona oo dhibacaha ku kala qeybsaday garoonka Signal Iduna Park… + SAWIRRO

(Yurub) 18 Sebt 2019. Kooxaha Borussia Dortmund iyo Barcelona ayaa dhibacaha ku kala qeybsaday garoonka Signal Iduna Park, kulankooda furitaanka wareega group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 0-0 ah.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah.

Marka dib leysugu soo laabtay qeybta labaad ee dheesha labada kooxood ayaa waxay garoonka ku soo galeen dardar xoogan, iyagoo sameeyay fursado cajiib ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad kooxda martida loo ahaa ee reer Germany Borussia Dortmund ayaa heshay rigoore laakiin waxaa ka qasaariyay xiddigooda Marco Reus.

Tababare Ernesto Valverde ayaa durbo shaxda kooxdiisa ku sameeyay isbadal, wuxuuna ciyaarta ka saaray xiddigaha Fati iyo Busquets, wuxuuna badalkooda keensaday Messi iyo Rakitic.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 0-0 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Borussia Dortmund iyo Barcelona.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close