HORDHAC: Wax walba oo aad uga baahan tahay kulanka ay kaga daah furanayaan Borussia iyo Barcelona tartanka Champions League xilli ciyaareedka cusub 2019/20

(Yurub) 17 Sebt 2019. Kooxda Barcelona ayaa caawa marti ku noqon doonta garoonka Signal Iduna Park, si ay u wada ciyaaraan Borussia Dortmund kulankooda daah furka groupka F ee heerka group-yada tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan 2019/2020.

Barcelona ayaa raadineysa inay guul kaga gaarto kooxda Borussia Dortmund kulankeeda ugu horeeya ee tartanka Champions League, halka naadiga reer Germany uu doonayo in kulankan uu kaga faa’ideysto maadaama ay ku dhex ciyaarayaan dhulkooda iyo taageerayaashoodaba.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Champions League.

Kooxaha:Borussia vs Barcelona

Taariikhda: Talaado, 17 Sept 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Ovidiu Hategan (Romania)

Garoonka: Signal Iduna Park (Germany).

Wararka Kooxaha:-

Barcelona:

Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa waxaa kulankan ka maqan labada xiddig ee kala ah Ousmane Dembélé, Samuel Umtiti.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan dib ugu soo laabtay safka naadiga reer Catalonia, kaddib markii uu si fiican kaga soo kabtay dhaawacii uu ka qabay dhanka muruqa, wuxuuna qeyb ka noqon doonaa kulanka caawa ee Borussia Dortmund.

Borussia Dortmund:

Xiddigaha Nico Schulz iyo Luca Unbehaun ayaa seegi doona kulanka caawa, halka ciyaartoyda kala ah Lukasz Piszczek iyo Mateu Morey, la shaki galinayo ka qeyb galkooda ciyaarta caawa ka dhici doonto garoonka Signal Iduna Park.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

* Kani waa kulankii saddexaad ee ku dhexmara kooxaha Borussia Dortmund iyo Barcelona tartamada Yurub, kaddib markii ay labada koox ku kulmeen UEFA Super Cup xilli ciyaareedkii 1997-1998, xilli ay Barca ku adkaatay lugtii hore (2-0), kulankii ka dhacay Camp Nou, kahor inta aysan barbaro ku galin kulankii lugta labaad ee ka dhacay Jarmalka.

* Lionel Messi ayaa gool ka dhaliyay 32 ka mid ah 37 kooxood uu kula soo ciyaaray tartanka Champions League, wuxuuna gaari karaa shabaqa Borussia Dortmund markii ugu horeysay uu kaga hor yimaado tartankan.

* Borussia Dortmund ayaa ciyaareysa markeedii 4-aad oo isku xigta heerka group-yada Champions League ay kula ciyaareyso koox ka socota Spain, waana xilli ciyaareedkii 2016-2017 iyo 2017-2018 ay kula ciyaartay Real Madrid, iyo 2018-2019 oo ay la ciyaareen Atletico Madrid.

* Barcelona lagama badinin 14-kii kulan ee ugu dambeysay ee heerka Group-yada tartanka Champions League, waxay guul gaareen 10 kulan iyo 4 barbaro, halka 1 jeerna laga badiyay 28-kii kulan ee ugu danbeysay, wuxuuna ahaa kulankii ay Man City kula ciyaareen garoonkooda bishii November 2016, wuxuuna kulankaas ku dhamaaday 3-1.

* Lionel Messi ayaa noqday gooldhaliyaha ugu sareeya tartanka Champions League xilli ciyaareedkii hore 2018-2019, waana markii lixaad ee xirfadiisa, laakiin weli wuxuu 14 gool u jiraa Cristiano Ronaldo si uu u noqdo gooldhaliyaha ugu sareeya ee taariikhda tartankan, waxayna haatan kala joogaan 112 iyo 126.

* Lionel Messi ayaa dhaliyay 16 gool, 14 kulan oo uu kaga horyimid tartanka Champions League kooxaha Jarmalka, waana kooxaha kala ah, Bayer Leverkusen (7), Bayern Munich (4), Stuttgart (3), Borussia Moenchengladbach (1), Werder Bremen (1).

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Dortmund (4-2-3-1): Bürki; Hakimi, Akanji, Hummels, Guerreiro; Witsel, Weigl; Sancho, Reus, Hazard; Alcácer

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Semedo, Piqué, Lenglet, Alba; De Jong, Busquets, Arthur; Griezmann, Suárez, Ansu Fati.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close