RASMI: David de Gea oo heshiis cusub u saxiixay Manchester United

(Manchester) 16 Sebt 2019. Manchester United ayaa si rasmi ah u shaacisay galabnimadan Isniinta ah in heshiis cusub ay ka saxiixatay goolhaayaheeda reer Spain ee David de Gea.

Website-ka rasmiga ee kooxda Manchester United ayaa soo wariyay in David de Gea uu saxiixay heshiis gaaraya ilaa iyo dhamaadka bisha June 2023-ka, iyadoo heshiiska uu qeyb ka yahay inuu ku darsan karo sannad kale oo dheeri ah.

De Gea ayaa ka hadlay dareenkiisa farxadeed kaddib markii uu saxiixay heshiiska cusub ee kooxda Manchester United wuxuuna yiri:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan siddeed sano ku qaato kooxdan weyn, isla markaana aan helay fursad aan mustaqbalkeyga ciyaareed ku sii wadan karo halkan”.

“Kuma fukirin inaan u ciyaarayo in ka badan 350 kulan kooxda Manchester United, tan iyo markii aan imid halkan”.

“Haatan mustaqbalkeyga kooxda waa mid xasilan, waxaan doonayaa inaan kooxda ka caawiyo sidii ay u gaari laheyd waxa aan u maleynayo inaan sameyn karno, si aan markale koobab ugu guuleysano”.

“Waxaan wali qabaa dareen ah inaan waxbadan ku soo kordhin karo kooxda, waxaana ku kalsoonahay in kooxda ay guul gaari karto, isla markaana taageerayaasha ay farxi doonaan xilliyada soo socda”.

Dhinaca kale tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib heshiiska cusub uu saxiixay De Gea wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay arrintan, sannadihii lasoo dhaafay David de Gea wuxuu muujiyay inuu yahay mid ka mid ah goolhayeyaasha ugu fiican adduunka. Isagu waa xubin muhiim ka ah kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close