Isku aadka Koobka Kooxaha Adduunka oo la sameeyey… (Liverpool kooxdee ayay ku aadday afar dhammaadka tartankan?)

(World) 16 Sebt 2019. Waxaa la soo saaray isku aadka koobka Kooxaha Adduunka ee FIFA Club World Cup, iyadoo la xaqiijiyey kooxda ay Liverpool ku aadday afar dhammaadka tartankan.

Liverpool ayaa wado sahlan u heshay inay gaarto finalka koobka Kooxaha Adduunka, madaama ay semi-finalka la ciyaarayaan kooxdii ka soo baxda saddexdaan kooxood ee CF Monterrey, Al Sadd SC ama Hinghene Sport.

Reds ayaa ka fogaatay inay afar dhammaadka tartankan isku arkaan kooxda hanatay Champions League-ga Latin America.

Kooxda reer England ee Liverpool ayaa u soo baxday tartankan markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2005, kaddib markii ay kal ciyaareedkii hore Champions League ka qaadeen naadiga Tottenham.

Liverpool oo lix goor ku guuleystay Koobka Horyaallada Yurub ayaa waxa a koobkaan ka qaaday naadiga reer Brazil ee Sao Paulo sanadkii 2005, waxaana ay haatan doonayaan inay koobka ku qaadaan dalka Qatar bisha December ee dhammaadka sanadkan.

Tababare Jurgen Klopp koobka hoggaamiyo ayaa tartankan ka bilaabaysa wareegga afar dhammaadka ama Semi-finalka, waxaana ay la ciyaari doontaa kooxda soo qaadda Copa Libertadores oo la ogaan doono dhammaadka bisha November, maadaama uu weli socdo Champions League-ga Latin America.

Weli lama go’aansan kooxda mataleysa qaaradda Asia maadaama uu weli socdo AFC Champions League, balse shanta kooxood kale waa la go’aamiyay.

Wareegga ugu horreeya waxaa bilaabaya kooxda martigelineysa koobka ee reer Qatar Al Sadd oo la ciyaareysa kooxda Hinghene Sport.

Labadaan kooxood middii soo badisa, waxa ay wareegga labaad la ciyaari doonaan kooxda haysata Champions League-ga Waqooyiga & Bartamaha Ameerika ee CF Monterrey oo ka ciyaarta horyaalka Mexico.

Waxaa sidoo kale wareegga labaad ee tartankan ciyaari doona kooxda haysata Champions League-ga Afrika ee AFC Tunis oo la ciyaari doonta kooxda soo qaada Champions League-ga Asia.

Afar dhammaadka tartankan waxa ay Liverpool la dheeli doontaa kooxdii soo baxda saddexda kooxood ee CF Monterrey, Al Sadd iyo Hinghene Sport.

ISKU AADKA OO DHAMEYSTIRAN HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Wareega 1-aad:

Al Sadd vs Hienghene Sport

Wareega 2-aad:

AFC Tunis vs Kooxda hanata AFC Champions League

CF Monterrey vs Al Sadd/Hienghène Sport

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close