Varane oo shaaca ka qaaday cabsida ugu badan uu ka qabo PSG, kahor kulanka Champions League

(Madrid) 15 Sebt 2019. Daafaca kooxda kubadda cagta Real Madrid iyo xulka qaranka France ee Raphaël Varane ayaa ka hadlay kulankooda ugu horeeya wareega group-yada tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan ay kula ciyaari doonaan naadiga Paris St Germain.

Naadiga reer Spain ee Real Madrid ayaa Guruubka A ku kula ciyaari doontaa kooxaha PSG iyo Galatasaray.

Raphaël Varane ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay maanta wakaalada wararka ee France ayaa wuxuu kaga hadlay kulanka adag ay Champions League kula ciyaari doonaan PSG wuxuuna yiri:

“Waxaan rajeyneynaa inaan ku dhiiranaano kooxda naga soo horjeeda, waa koox gaar ah oo heysata ciyaartoy waaweyn”.

“Wuxuu noqon doonaa kulan heersare ah, waxaanan rajeynayaa inaan la soo baxno dhibcaheena ugu horeeya tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan”.

Intaas kaddib Raphaël Varane ayaa wuxuu ka hadlay cabsida ugu badan uu ka qabo kooxda Paris St Germain wuxuuna yiri:

“Waxa aan sida aadka ah uga baqayo ayaa ah inay noqdaan ciyaartoy isku xiran ee u ciyaareysa koox ahaan, waxaan u maleynayaa iney heytsaan hubkooda oo dhameystiran ee boos kasta ah, iyo ciyaartooy aad u fiican ee dhinacyada kala duwan ah, waa inaan soo bandhignaa kulan dhameystiran si aan guul u gaarno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close