Hazard oo ka hadlay dareenkiisa kaddib kulankiisii ugu horreeyay ee kooxda Real Madrid

(Madrid) 15 Sebt 2019. Xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay, kaddib markii uu ka soo kabtay dhaawacii uu qabay dhawaanahan.

Eden Hazard ayaa ka soo muuqday kulankiisii ugu horeeyay ee rasmi ah isagoo xiran maaliyada kooxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Levante 3-2, kulankooda 4-aad horyalka  La Liga ee xili ciyaareedkan.

Haddaba wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Hazard kaddib kulankii Levante, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku soo laabto ciyaarta oo aan guuleysto, markaad ku soo laabato garoonka kaddib dhaawac, xaalada aad ayey u adag tahay, laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah guusha”.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan guuleysto, kulankeygii ugu horeeyay tan iyo markii aan saxiixay heshiiska cusub, waxaan doonayay inaan halkaan ku ciyaaro garoonkan quruxda badan”.

“Taageerayaashu way i taageereen oo waxay rabeen inaan ku raaxeysto xilligan, waxaan rabaa inaan kula raaxeysto kubbadda cagta saaxiibadayda oo aan ciyaaro kulamo badan”.

“Waxaan ku raaxeystay kulankeyga ugu horeeyay ee garoonka ugu wanaagsan adduunka, labo barbaro kaddib waxaan u baahneyn inaan ku badino garoonkeena”.

“Waxaan ku guuleysanay kalsoonideena, hadda waxaa ina sugaya labo kulan muhiim ah oo aan la ciyaari doono kooxaha PSG iyo Seville, waxaan diyaar u nahay waxa imaan doona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close