DEG DEG: Feysal Xasan Xaashi oo isaga tagay kooxda Dekedda

(Muqdisho) 15 Sebt 2019. Ciyaaryahanka Feysal Xasan Xaashi ayaa shaaciyey maanta inuu isaga tagay kooxdii uu ka tirsanaa ee Dekedda FC.

Xiddigan Weerarka ka dheela ayaa isaga tagay kooxda Dekedda oo uu kaga soo biiray naadiga LL.PP. Jeenyo.

Feysal ayaa Idaacadda Gool FM u xaqiijiyey inuu isaga tagay kooxda kubadda cagta Dekedda isagoo aan bixin faah-faahin intaas ka badan.

Wuxuu ku soo baxay tartanka degmooyinka gobolka Banaadir sanadkii 2015-kii waxaana uu u dheelayey markaas Degmada Warta Nabadda.

Ciyaaryahan Feysal ayaa isla sanadkaas 2015 ku biiray Kooxda Jeenyo, waxaana isla sanadkaas ku guuleystay gooldhalinta horyaalka Soomaaliya.

Waxa uu isla xilli ciyaareedkii 2015-2016 uu Feysal Xasan nasiib u yeeshay inuu metelo xulka qaranka Soomaaliya.

Waxa uu maanta ku dhawaaqay inuu isaga tagay kooxda Dekedda oo uu ka tirsanaa in ku dhow saddex sanadood, taasoo uu sanadkii ugu dambeeyey la hantay horyaalka Somali Premier League.

Wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda ciyaaryahan Feysal Xasan Xaashi iyo haddii uu koox cusub ku biiraba dib ayaan idinkaga soo gudbin doonnaa hadduu Eebbe idmo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close