De Jong oo si aan horey loo arag u amaanay da’ayarka Barcelona ee Ansu Fati

(Spain) 15 Sebt 2019. Laacibka qadka dhexe Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa si weyn u amaanay da’ayarka ay isku kooxda yihiin ee Ansu Fati.

Ansu Fati  ayaa bandhig fiican ka sameeyay kulankii ay xalay ku xasuuqeen kooxda Valencia, kaddib markii uu ku soo bilaawday, isagoo dhaliyay gool wuxuuna sidoo kale caawiyay goolkii uu dhaliyay De Jong.

Barcelona ayaa xalay guul raaxo leh kaga gaartay kooxda Valencia  garoonkeeda Camp Nou, kaddib markii ay ku xasuuqeen 5-2, kulankoodii 4-aad horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay xiddiga reer Holland ee Frenkie de Jong wuxuuna yiri:

Image result for ansu fati and de jong

“Ansu Fati.xaqiiqdi waa ciyaaryahan leh tayo badan”.

“Wuxuu kubbadda u ciyaaraa si deggan, wuxuu u maareeyaa si fudud, waa ciyaaryahan aad u xiiso badan, waxaana sugaya mustaqbal aad u wanaagsan” ayuu hadalkiisa ku soo xiray De Jong.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close