Norwich City oo Cashir lama ilaabaan ah ugu dhigtay Manchester City garoonkeeda Carrow Road …+SAWIRRO

(England) 14 Sebt 2019. Manchester City ayaa guuldarro naxdin leh kala soo kulantay Norwich City oo ay amrti u noqotay, kaddib markii looga adkaaday 3-2.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee  Norwich City.

Daqiiqadii 18-aad kooxda Norwich City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, kaddib markii uu gool u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Kenny McLean oo caawin ka helay saaxiibkiis Emiliano Buendia, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 1-0.

Daqiiqadii 28-aad Todd Cantwel ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa Norwich City, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Teemu Pukki.

Laakiin Sergio Aguero oo caawin ka helay saaxiibkiis Bernardo Silva ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-1.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay garoonka ku soo galeen qaab ciyaareed heer sare ah, iyaga oo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

50 daqiiqo Teemu Pukki ayaa niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Man City wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Emiliano Buendia.

Laakiin daiiqadii 88-aad ciyaaryahan Rodri ayaa ciyaarta ka dhigay 3-2, kaddib kubad shuud ah uu ka dhaliyay kooxda Norwich City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-2 ay guusha ku raacday kooxda Norwich City oo cashir taariikhi ah u dhigtay Manchester City oo marti ku aheyd garoonka Carrow Road.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close