Barcelona oo xasuuq ba’an u geysatay Valencia, xilli da’ayarka Ansu Fati uu si weyn isugu muujiyay kulankan …+SAWIRRO

(Spain) 14 Sebt 2019. Barcelona ayaa guul raaxo leh kaga gaartay kooxda Valencia  garoonkeeda Camp Nou, kaddib markii ay ku xasuuqeen 5-2, kulankoodii 4-aad horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 2-aad ee bilawga ciyaarta da’ayarka Ansu Fati ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Barcelona wuxuuna dheesha ka dhigay 1-0, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Frenkie De Jong.

7 daqiio marka ay ciyaarta aheyd Frenkie De Jong ayaa dheesha ka dhigay 2-0, waxaana markiisa goolkan si qurux badan kaga caawiyay Ansu Fati.

Daqiiqadii 27-aad kooxda Valencia  ayaa la timid gool, waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay Kevin Gameiro, iyadoo uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Rodrigo Moreno.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada kooxood ayaa waxay garoonka ku soo galeen qaab ciyaareed heer sare ah, iyaga oo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 51-aad Gerard Pique ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxda Barcelona, kaddib markii uu dheesha ka dhigay 3-1.

Laakiin Luis Suarez oo badal ku soo galay ciyaarta ayaa niyadjabiyay taageerayaasha kooxda Valencia, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-1.

82 daqiiqo markale Luis Suarez ayaa gaaray shabaqa kooxda Valencia, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 5-1.

Laakiin daqiiqadii 90-aad kooxda Valencia ayaa la timid gool waxaana u dhaliyay laacibkooda Maxi Gomez, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 5-2.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 5-2 ay guusha ku raacday kooxda Barcelona oo si awood leh guul kaga gaartay naadiga Valencia oo marti ku aheyd garoonka Camp Nou.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close