Tababaraha ku guulestay abaal-marinta macallinka bisha Agoosto ee horyaalka Premier League oo la shaaciyey

(England) 13 Sebt 2019.  Waxaa maanta lagu dhawaaqay tababaha ku guuleystay abaal-marinta macallinka ugu fiicnaa bishii la soo dhaafay ee Agoosto horyaalka Premier League.

Macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ku guulaystay abaalmarinta tababarihii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bishii lasoo dhaafay ee Agoosto, waana abaal-marintii ugu horeysay ee la bixiyay xili ciyaareedkan cusub ee 2019/20.

Jürgen Klopp ayaa ku hogaamiyay kooxda Liverpool inay guul guul gaarto afartii kulan la soo dhaafay ay ka ciyaartay horyaalka Premier League, waxayna guul ka gaartay kooxaha Norwich City, Southampton, Arsenal iyo Burnley.

Reds ayaa dhalisay 12 goolal waxaana laga dhaliyay 3 gool, taasoo ka dhigan cel-celis ahaan inay 3 gool ka dhaliyeen kulankiiba.

Waxaa xusid mudan in macalinka reer Germany ee Jürgen Klopp uu abaal-marintan ku garaacay tababarayaasha kala ah Pep Guardiola, Roy Hodgson iyo Brendan Rodgers.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close