Saalax oo qiray sida uu u adag yahay kulanka soo socda ay ciyaari doonto Liverpool

(England) 13 Sebt 2019. Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Maxamed Saalax ayaa xaqiijiyay sida uu u adag yahay kulanka bari ay kula ciyaari doonaan Newcastle United horyaalka Premier League.

Kooxda Liverpool ayaa bari ku marti galin doonto dhigeeda Newcastle United garoonka Anfield, si ay u wada ciyaaraan kulankooda 5-aad horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Liverpool ayaa hogaanka ku heysa 12 dhibcood, kaliya labo dhibcood ayeey kaga hogaamineysaa kooxda Manchester City.

Wargeyska “Liverpool Echo” ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Maxamed Saalax waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Newcastle markasta waa koox aad u adag, marka loo fiiriyo kulamada ay ku ciyaareyso garoonkeeda iyo meel ka baxsan intaba”.

“Newcastle waxay heysataa koox xoogan, iyo tababare fiican, waana inaan kaliya diirada saarnaa nafteena oo aan qabanaa waxa ay waajibku tahay inaan sameyneyno inta ciyaarta socoto”.

“Xilli ciyaareedkii hore waxaan hal dhibic ugu guuldareysanay hanashada horyaalka Premier League, kaliya waxaan u baahanahay inaan diirada saarno kulan walba sababtoo ah ma dooneyno inaan dhibco lumino”.

Waxaa xusid mudan in Maxamed Saalax uu xili ciyaareedkan u dhaliyay kooxdiisa Liverpool 3 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 2 gool kale.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close