Kooxda Paris Saint-Germain oo bisha Janaayo Manchester United kula tartamaysa saxiixa Paulo Dybala

(Turin) 12 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa inay indhaha ku hayso inay u dhaqaaqdo soo xero gelinta weeraryahanka naadiga Juventus ee Paulo Dybala bilowga sanadka 2020.

25-sano jirkaan ayaa si xoog leh loola xiriirinayey inuu isaga tagi doono kooxda haysata horyaalka Talyaaniga intii lagu guda jiray suuqii kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga, PSG, Manchester United iyo Tottenham Hotspur ayaana dhammaantood la wariyey inay ugaarsanayeen.

Man United ayaa la rumeysan yahay in xiddigan xulka qaranka Argentina doonistiisa dib ugu laabanayso suuqa bisha Janaayo kaddib markii ay seegeen inay gacanta ku soo dhigaan bilowga xilli ciyaareedkan cusub.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay warinayso Jariiradda Tuttosport kooxda PSG ayaa sidoo kale weli xiiseynaysa xiddigan ka soo jeeda Koonfurta Ameerika, iyadoo kooxda Tababare Thomas Tuchel ay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo suuqa jiilaalka, inkastoo Mauro Icardi ay amaah uga soo qaateen Naadiga Inter Milan horraantii bishaan.

Dybala ayaa kooxda uu hoggaamiyo macallin Maurizio Sarri u ciyaaray kaliya 14 daqiiqo horyaalka Serie A xilli ciyaareedkan, maadaama uu haatan ka dambeeyo tiro ciyaartooy ah oo kaga horreeya safka hore.

Weeraryahankan ayaa dhaliyay 26 gool intii lagu jiray xilli ciyaareedkii cajiibka ahaa ee 2017-18 oo uu la joogay kooxda Juve, laakiin waxa uu ku dhibtooday xilli ciyaareedkii hore, isagoo shan gool kaliya ka dhaliyay horyaalka Talyaaniga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close