Kooxda Liverpool oo sheegtay war ay si weyn u sugayeen taageerayaasheeda

(Liverpool) 12 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa soo warisay war ay si weyn u sugayeen taageerayaasha Reds, kaddib markii ay shaacisay in goolhaayaheeda reer Brazil ee Alisson Becker uu dib ugu soo laabtay tababarka kooxda.

Alisson Becker ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay wuxuu qolka Jimicsiga ee kooxda ku qaatay barnaamij gaar ah uu ku soo kabanayo dhaawaciisa, kaddib markii uu maray tijaabooyin dhowr ah.

Goolhaayaha reer Brazil ayaa dhaawac ka soo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii furitaanka horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan 2019/2020, ay la ciyaareen Norwich City.

John Achterberg oo ah macalinka goolhaayaasha ee kooxda Liverpool ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada rasmiga ah ee Reds wuxuu ku yiri:

Image result for Alisson

“Alisson wuxuu haatan si wanaagsan ugu shaqeynayaa qolka jimicsiga, si kor loogu qaado heerkiisa jir ahaaneed, wuxuu sameeyay horumar la yaab leh uu kaga soo kabsanayo dhaawacii uu qabay”.

“Laakiin way adag tahay in la sheego inta ay qaadanayso, si uu markale taam buuxa u noqdo”.

“Waqti ayuu u baahan yahay, maalin walbana si gooni ayaan u shaqeyneynaa, waana aragnaa horumarka uu Alisson Becker sameynayo”.

Si kastaba ha noqotee, addii uusan ku dhicin dib u dhac kale, Alisson Becker ayaa laga yaabaa inuu diyaar u noqdo in markale uu ciyaaro dhamaadka bishan, waaba haddii uusan kahor dhicin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close