Ancelotti oo helaya war cusub ee naxdin leh kahor kulanka Liverpool ee tartanka Champions League

(Italy) 12 Sebt 2019. Wararka ka imanaya gudaha dalka talyaaniga ayaa waxay shaaca ka qaadeen war naxdin leh oo aan la fileynin, kaasoo u soo yeeray macalinka kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti, kahor kulanka ay la ciyaari doonaan Liverpool.

Kooxda reer Talyaani ee Napoli ayaa waxay kula ciyaari doontaa naadiga difaacanaya koobka Champions League kulanka furitaanka wareega group-yada ee Group E, Talaadada soo aadan.

Haddaba shabakada “Football Italia” ee dalka Talyaaniga ayaa waxay shaaca ka qaatay in xiddiga kooxda Napoli ee Lorenzo Insigne uu si kali ah u qaatay tababarka, taasoo la micno ah inuu shaki ku jiro ka qeyb galkiisa kulanka adag ee Liverpool.

Sheekada intaas oo kaliya kuma koobna, ee tababare Ancelotti ayaa sidoo kale wuxuu halis ugu jiraa inuu waayo adeega xiddig kale, kaasoo ah ninka reer Poland ee Milik oo la shaki galinayo ka qeyb galkiisa kulanka ay Liverpool kula ciyaari doonaan Champions League.

Milik ayaa garoomada ka maqnaa muddo bil ah, haddana waxaa dib u dhac ku yimid soo laabashadiisa, sida laga soo xigtay shabakadaha Sky Sport Italia, iyo Sportmediaset, waxaana la filayaa inuu ku soo laabto tababarka Isniinta soo socota.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close