Messi oo markii ugu horeysay ka aragti dhiibtay xiddiga dhawaan galka ah kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong

(Barcelona) 11 Sebt 2019. Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kalsooni ku qaba in Frenkie de Jong uusan wax dhibaato ah kala kulmi doonin sida uu ula qabsan lahaa naadiga Blaugrana, sababa la xiriira inuu ka yimid akadeemiyad ku tiirsan falsafad la mid ah tan Barça.

Lionel Messi iyo Frenkie de Jong ayaa isbuucyo ka hor, waxay ku guuleysteen abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa khadkii dhexe tartanka Champions League oo loo caleemo saaray da’ayarka reer Holland, halka halyeeyga reer Argantina isna uu ku guuleystay abaal-marinta weeraryahankii ugu fiicnaa.

Haddaba Lionel Messi oo ka hadlayay xiddiga da’aday yar ee reer Holland ee Frenkie de Jong ayaa wuxuu yiri:

“Wey u fududaan doontaa Frenkie de Jong inuu la qabsado kooxda Barcelona, sababtoo ah wuxuu xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay kooxda Ajax kulamada horyaalka Holland iyo tartanka Champions League”.

“Waa ciyaaryahan leh astaamo gaar ah oo naga caawin doona kulamada waa weyn, wuxuu ka yimid akadeemiyad la mid ah tan Barcelona, waxaan u maleynayaa inay arrimahaas u fududeyn doonaan geedi socodka wada noolaanshiyaha kooxda”.

Xiddigaha Lionel Messi iyo Frenkie de Jong ayaan wali si wada jir ah kaga soo muuqanin kooxda Barcelona, sababa la xiriira in xiddiga reer Argantina uu ku maqan yahay dhaawac tan iyo bishii August ee lasoo dhaafay, taasoo ka dhigtay inuu seego kulamadii ugu horreeyay ee kooxda reer Catalonia ay ka ciyaartay horyaalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close