“Kaliya uma nooli abaal-marinada shaqsiyadeed” – Ronaldo oo afka furtay kaddib bandhigiisii xalay

(Yurub) 11 Sebt 2019. Weeraryahanka reer Portugal iyo kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay inuusan u nooleyn kaliya inuu ka fikiro sida uu ugu guuleysan lahaa abaal-marinada shaqsiyadeed ee isaga gaarka u ah.

Cristiano Ronaldo ayaa xalay bandhig cajiib ah ka sameeyay xulkiisa qaranka Portugal, wuxuuna afar gool ka dhilayay Lithuania, kulankii ka tirsanaa isreeb-reebka tartanka Euro 2020, kaasoo ku soo idlaaday 5-1 uu ku adkaaday xulka Portugal.

Ronaldo ayaa noqday gooldhaliyaha ugu sareeya kulamada isreeb-reebka Yurub, isaga oo dhaliyay 25-gool wuxuuna ka sara maray Robbie Keane, xilli uu sidoo kale gaaray goolkiisii 91-aad ee xulka qaranka Portugal.

Haddaba Cristiano Ronaldo ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caalamiga ah ee “Goal.com” wuxuu ku sheegay:

“Xilli kasta waxaan sheegaa, inaan u nooleyn kaliya inaan ka fikiro abaal-marinada shaqsiyadeed”.

“Tani waa natiijada wixii aan wada sameynay, xaqiiqdii tani waa wax fiican, inaad dhaliso 4 gool, been sheegi maayo, laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaan caawiyo kooxda”.

“Waxaan gool ka dhaliyay Serbia, 4 gool kale waxaan ka dhaliyay Lithuania, aad ayaan u faraxsanahay, laakiin waa inaan hore u soconaa, waxa ugu badan ee aan doonayo ayaa ah inaan sii wado isla qaab ciyaareedkii”.

“Waxaan ku noolahay waqtiyo aad u fiican hadda, aad ayaan u faraxsanahay, kuma faraxsani kaliya inaan goolal dhaliyo, balse sababta ayaa ah qaab ciyaareedka uu xulka soo bandhigay sannadihii ugu dambeeyay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close