“Waxaan rajeenayaa in xili ciyaareedkan uu noqdo keygii ugu fiicnaa Real Madrid” – James Rodríguez

(Madrid) 10 Sebt 2019. Joogitaanka laacibka reer Colombia James Rodríguez ee kooxda Real Madrid xili ciyaareedkan ayaa la yaab ku noqotay dadka qaar.

Laakiin James Rodríguez ayaa wuxuu wali rajeenayaa inuu noqdo xiddig muhiim ka ah garoonka Santiago Bernabeu.

James ayaa la filayay inuu ka tago Los Blancos suuqan xagaaga, si uu ugu biiro midkood  kooxaha Atletico Madrid iyo Napoli, laakiin ugu dambeyntii wuxuu sii joogay garoonka Santiago Bernabeu.

Laacibka reer Colombia ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waxaan rajeenayaa in xili ciyaareedkan uu noqdo keygii ugu fiicnaa kooxda Real Madrid”.

James Rodríguez ayaa ciyaaray kulankii labaad ay kooxda Real Madrid kula ciyaartay xili ciyaareedkan horyaalka La Liga ee dalka Spain naadiga Real Valladolid, kaasoo ku dhamaaday barbaro.

Laacibka reer Colombia ayaa sawaxan xoogan ka helay taageerayaashii ku sugnaa kulankaas garoonka Santiago Bernabeu.

James Rodríguez ayaa labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay qaab amaah ah ku qaatay Bayern Munich, kaddib markii uu tababare Zinedine Zidane ka saaray qorshihiisa kooxda, laakiin wuxuu kusoo laabtay xagaagan isagoo gacan ka helay madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close