Waa sidee xaallada xiddigaha Lionel Messi iyo Luis Suarez kahor kulanka Valencia??

(Barcelona) 10 Sebt 2019. Sabtida soo aadan kooxda Barcelona ayaa ku marti qaadi doonta naadiga Valencia garoonka Camp Nou, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 4-aad ee horyaalka La Liga xili ciyaareedkan 2019/20.

Sida laga soo xigtay wargeyska “AS” ee dalka Spain labada xiddig ee Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaan weli ka qeyb qaadin tababarka kooxda Barcelona, ​​kahor kulanka ay Barca Sabtida la ciyaari doonto Valencia.

Wargeyska ayaa tilmaamay in labada xiddig ee Messi iyo Suarez ay si wadaan kaliya tababarka ay u sameynayaan sida gaarka ah iyaga oo isku diyaarinaya kulanka toddobaadkan ugu muhiimsan horyaalka La Liga ay Barcelona kula ciyaari doonto kooxda Valencia, kaddibna waxay ku wajihi doonaan Borussia Dortmund Talaadada tartanka Champions League.

Wargeysku ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku sii daray in maanta oo Talaado ah uu jiri doono tababar kale, isla markaana la arki doono haddii xiddigaha Messi iyo Suarez ay ku jiri doonaan tababarka guud ee kooxda iyo hadii kale.

Xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez, ayeey kooxda dooneysaa inay hubiso in soo kabashadiisa ay sifiican u socoto, kaddib dhaawacii ka soo gaaray muruqa lugta midig, waxaana la filayaa inuu qeyb  ka noqon doono kulanka Sabtida ee Valencia.

Dhinaca kale Messi ayuu dhaawac ka soo garay lugta midig maalinkiisii ugu horeeyay uu ka qeyb galay tababarka kooxda Barcelona, tan iyo xilligaas xiddiga reer Argantina ayaan ka qeyb galin kulan kasta ay Barca ka ciyaartay xili ciyaareedkan cusub.

Si kastaba ha noqotee, Barcelona ayaa waxay haatan diirada saareysaa sida uu Lionel Messi kulanka soo aadan ay la ciyaari doonaan kooxda Valencia kaga soo muuqan lahaa daqiiqado ka mid ah, si uu taam buuxa ugu noqdo kulanka Talaadada ay kula ciyaari doonaan Borussia Dortmund tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close