Soomaaliya vs Zimbabwe: Xogta kulanka adag ee Galabta & Rajada uu xulkeennu ka qabo inuu markale guul gaaro

(Muqdisho) 10 Sebt 2019. Xulka qaranka soomaaliya ayaa galabta kulan adag la dheeli doona xulka Zimbabwe, kaasoo ah lugta labaad ee is reeb-reebka dhacdada koobka adduunka ee 2022-ka lagu qaban doono dalka Qatar.

Kulankii lugta hore ay wada ciyaareen labada xulk, ayaa xulkeena qaranka soomaaliya wuxuu ku soo adkaaday 1-0 ciyaar ka dhacday dalka Jabuuti.

Wiilasha Ocean Stars ayaa waxay rajo wamaagsan ka qabaan kulamada is reeb reebka koobka adduunka 2022-ka, iyago maalmihii la soo dhaafay ay tababar adag ku qaadanayeen dalka Zimbabwe.

Haddaba muuqaalka hoose kaga boggo qaar ka mid ah wariyayaasha Gool FM oo ka aragti dhiibtay kulanka adag ee galabta dhex mari doona xulalka Soomaaliya Vs Zimbabwe:


Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close