DARAASAD: Waa tee kooxda heysata shaxda ugu qaalisan ee kubadda cagta??… (Qiimayn cajiib ah!!)

(Yurub) 10 Sebt 2019. Daraasad ay sameysay CIS oo fadhigeedu yahay dalka Switzerland ayaa lagu cadeeyay kooxda heysata shaxda ugu qaalisan naadiyada kubadda cagta ee aduunka.

Manchester Citi ayaa noqotay kooxda heysata shaxda ugu qaalisan ee kubadda cagta, waxayn ku bixisay qiimo dhan 1.014 bilyan oo euro shaxda kooxda ay haatan heysato.

Manchester City ayaa ah kooxda kaalinta koowaad ku jirta ee ku qarash gareysay wax ka badan 1 bilyan euro (1.1 bilyan doolar) si ay u abaabusho kooxda ay haatan ku heysato Etihad Stadium.

Image result for man city

Paris Saint-Germain ayaa ku jirta kaalinta labaad, iyadoo ku qarash gareesay lacag dhan 913 milyan oo euro kooxda ay haatan ku heystaan garoonka Parc des Princes, halka Real Madrid ay ku bixisay qiimo dhan 902 milyan euro.

Manchester United ayaa bixisay (751 milyan euro) waana kooxda labaad ee heysata shaxda ugu qaalisan marka loo fiiriyo kooxaha ka dhisan horyaalka Premier League, waxaana ku xigta kooxda ku guuleysatay Champions League ee Liverpool oo bixisay (639 milyan euro).

Daraasadan la sameeyay ayaa waxay tilmaameysaa, in Celceliska qiimaha shaxaha ugu qaalisan ee kooxaha Premier League uu gaarayo ilaa iyo  345 milyan euro.

Dhinaca kale ee qiimeynta daraasadan ayaa waxay muujisay in kooxda Paderborn ee dalka Jarmalka ayaa heysata shaxda ugu jaban waana (4 milyan oo Yuuro), marka loo eego kooxaha kale ee ka socda dalalka England, Jarmalka, Talyaaniga, France iyo Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close