Yuu la saftay halyeeygii hore kooxda Liverpool ee Robbie Fowler, xiddigaha isku dhacsan ee Saalax iyo Mané?

(Liverpool) 09 Sebt 2019. Halyeeyga kooxda Liverpool ee Robbie Fowler ayaa ka hadlay arrintii ka dhax dhecday xiddiagaha Maxamed Saalax iyo Sadio Mané

Robbie Fowler ayaa difaacay anaaninimada Maxamed Saalax kaddib dhacdaddii dhex martay isaga iyo Sadio Mané oo xilliyadii lasoo dhaafay in badan ay saxaafada ka hadashay.

Robbie Fowler ayaa dhinaca kale tilmaamay in xiddiga reer Masar ee Maxamed Saalax uu sii wadi doono anaaninimada maadaama uu qabanayo shaqo ah inuu goolal dhaliyo.

Fowler ayaa wareysi uu ku bixiyay Wargeyska “Daily Mirror” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Qof walba wuxuu ka hadlayaa oo uu faallo ka bixinayaa hadalada macno darrada ah ee ku saabsan anaaninimada Saalax iyo burburinta niyadda kooxda, miyaadan horay u daawanin kubadda cagta?”.

“Ma noqon kartid gooldhaliye sare haddii aadan kalsooni ku qabin awoodda aad u leedahay inaad goolal dhaliso, taasna waa waxa qof kasta oo goolal dhaliya uu sameeyo”.

“Waxaa fiican in gooldhaliyuhu u maleeyo inuu goolal ku dhalin karo meel kasta, meel fog, 5 ama 40 yaard, xitaa hadii kubadda la baasayo ay tahay go’aanka ugu fiican”.

“Waxaan eegay gooldhalinta Maxamed Saalax, waana ogahay inuu sidan kusii socon doono, ma dhalin kartid goolal badan adigoon sameynin waxa ay dadku kahadlayaan ee ah anaaninimada” ayuu hadalkiisa ku soo xiray halyeeyga Liverpool ee Robbie Fowler.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close