Ramos oo RIKOOR taariikhi ah ka sameeyay xulkiisa qaranka Spain, isagoo dhinaca kale tilmaamay bar-tilmaameedkiisa Labaad

(Spain) 09 Sebt 2019. Kabtanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay guushii weyneyd ay xalay ka gaareen xulka Faroe Islands.

Xulka qaranka Spain ayaa ku martigaliyay dhigooda Faroe Islands garoonka El Molinon kulankii ay xalay wada ciyaareen, kaasoo ku soo idlaaday 4-0.

Ramos ayaa xalay ka sameeyay xulkiisa qaranka Spain rikoor cajiib ah ee dhanka safashada kulamada.

Kabtanka kooxda Real Madrid ayaa wuxuu ciyaaray 167 kulan ee caalami ah, isagoo rikoorkan ka soo barbareeyay halyeeyga xxulka qaranka Spain ee Iker Casillas.

Yeelkadeeda, 33 jirkan ayaa xaqiijiyay inuu bar-tilmaameed ka dhiganayo inuu gaaro ilaa iyo 200 kulan ee xulka qaranka Spain ah, wuxuuna ciyaarta kaddib u sheegay saxaafada:

عرض الصورة على تويتر

“Waxaa jira rikoorro aan caadi aheyn ee loo baahan yahay in la jabiyo”.

“Waxaan rajeynayaa in xamaasadan iyo hamigeyga ay marwalba ila socon doonaan si an u gaaro 200 kulan, taasna waa ujeedka aan leeyahay” ayuu yiri Sergio Ramos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close