Maurizio Sarri oo balan qaad adag u sameeyay Cristiano Ronaldo

(Turin) 09 Sebt 2019.Tababaraha kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa eeganaya inuu helo qaabka ugu wanaagsan ee gooldhalinta xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo inta lagu gudajiro xili ciyaareedkan.

Sida uu maanta qorey wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga Maurizio Sarri ayaa rajeenaya inuu ka caawiyo Cristiano Ronaldo inuu gaaro heerkiisa ugu sareeya ee kooxda Juventus.

Image result for sarri and ronaldo

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in macalink cusub ee kooxda Juventus uu u ballan qaaday kabtanka Portugal ee Cristiano Ronaldo, oo 34 jir ah, inuu dhalin doono goolal ka badan kuwii uu u dhaliyay xilli ciyaareedkii hore kooxda Bianconeri.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Sarri ay tahay inuu helo waddo uu kaga yareyn karo culeyska Cristiano Ronaldo laga bilaabo xilligan la joogo ilaa iyo ciida gaaleed ee Christmas, maadaama ay macquul tahay in Cristiano uu ka qeyb galo ku dhawaad 30 kulan ee isugu jira  xulkiisa qaranka Portugal iyo kooxdiisa Juventus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close