Liverpool oo heleysa war wanaagsan iyo mid xun ee ku saabsan labadda xiddig ee ka dhaawacan

(Liverpool) 09 Sebt 2019. Wargeysyada gudaha dalka England ayaa waxay shaaca ka qaadeen in hormaradii ugu dambeeyay ee laga sameeyay dhaawacyada goolhayaha kooxda kubadda cagta Liverpool ee reer Brazil Alisson Becker iyo xiddiga khadka dhexe ee reer Guinea Naby Keïta.

Alisson Becker ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii daah furka horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan ay wada ciyaareen kooxaha Liverpool iyo Norwich City 9-ka bishii August ee lasoo dhaafay,

Halka maalmo kaddib inta lagu gudi jiray tababarka kulankii UEFA Super Cup uu isna dhaawac soo gaaray xiddiga khadka dhexe ee reer Guinea Naby Keïta.

Image result for Alisson Becker and Naby Keïta.

Haddaba wargeyska “Liverpool Echo” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in la qorsheenayo  inuu Alisson Becker ku soo laabto tababarka guud ee kooxda, kaddibna uu ciyaari doono dhamaadka bishan ama wixii ka dambeeya ee ku began bilowga bisha Oktoobar.

Wargayska ayaa daaha ka qaaday in dhibaatada haatan haysata kooxda Liverpool ay tahay ineysan cidna ka war qabin xilliga uu soo laaban doono Naby Keïta, ama xilliga uu diyaar u noqon doono inuu ka soo muuqdo kulamada Reds, kaddib dhaawaca muruqa ah ee soo gaaray bishii hore.

Dhinaca kale wargeyskan dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in shaqaalaha caafimaadka Liverpool ay ogyihiin xaalada iyo horumarka labadan xiddig ee dhaawacan laakiin aan wali loo cayimin taariikhda ay dib ugu soo laaban doonaan garoomada iyo ciyaaraha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close