Halyeeyga reer Holland ee Frank de Boer oo dhaleeceeyay tababare Valverde sababa la xiriira Frenkie de Jong

(Barcelon) 09 Sebt 2019. Halyeeyga xulka qaranka Holland ee Frank de Boer ayaa sheegay inay layaab ku noqotay booska uu haatan Frenkie de Jong kaga ciyaaro kooxdiisa cusub ee Barcelona.

Dhinaca kale Frank de Boer ayaa tilmaamay inuusan ka war qabin waxa uu macalinka kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ka doonayo laacibka reer Holland ee Frenkie de Jong.

22 jirka reer Holland ayaa suuqii dhawaa ee xagaaga ku yimid kooxda Barcelona qiimo lacageed lagu qiyaasay ilaa iyo 75 milyan euro, kadddib markii uu ka soo dhaqaaqay naadiga Ajax.

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa lagu dhaleeceeyay booska uu ka ciyaar siiyo xiddiga reer Holland ee Frenkie de Jong, xitaa ciyaaryahanka ayaa ka hadlay arintaas.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain Frank de Boer:

“Waxaan arkay kulankii ugu dambeeyay ay ciyaartay kooxda Barcelona, Frenkie de Jong ma uusan ka ciyaarin booskiisa, waa inuu dhexda ka ciyaaraa, ama kubadsameeye ahaan u ciyaaraa”.

“Ma aqaano waxa uu Ernesto Valverde ka doonayo Frenkie de Jong”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close